Israel oo sii wada duqeynta Gaza & weerarada Daanta Galbeed, xili Mareykanka deeq horleh siinayo Israel

Published: April 21, 2024

Israa’iil ayaa duqeymo khasaare geystay ka fulisay Qaza maanta oo Axad ah, iyadoo sidoo kale weerar horleh ku qaaday dhulka Daanta Galbeed ee Falastiin.

Duqeymihii ugu dambeeyay ayaa yimid iyadoo Kongareeska Mareykanka ay ansixiyeen $25 bilyan oo gargaar cusub oo Israa’iil lasiinayo iyadoo weli sii socoto dhaleeceynta Beesha caalamka ee xasuuqa ka socda Gaza.

Meydadka 13 qof oo caruur u badan ayaa la helay ka dib markii Israa’iil ay weerar ku qaaday guri qoys oo u dhow magaalada Rafah ee koonfurta Qaza. Dad kale ayaa la rumeysan yahay inay ku hoos jiraan guriga la burburiyey.

Weerar kale oo ay Israa’iil ku qaaday guri ku yaalla deegaanka Rafah ayaa waxaa ku dhintay ugu yaraan saddex qof, qaar kalena waa ay ku dhaawacmeen, sida ay sheegeen hay’ada gargaarka.

Hay’ada Bisha Cas ee Falastiin ayaa Sabtidii sheegtay in ugu yaraan 14 qof lagu dilay weerar ay Israa’iil ku qaaday xero qaxooti oo ku taal woqooyiga Daanta Galbeed.

Dhinaca kale, ciidamada Israa’iil ayaa toogasho ku dilay laba dhallinyaro Falastiini ah meel u dhow magaalada Hebron ee daanta galbeed, wasaaradda caafimaadka Falastiin ayaa sheegtay Axaddii, taasoo ka dhigaysa ugu yaraan 483 tirada Falastiiniyiinta ay dileen ciidammada Israa’iil ee Daanta Galbeed tan iyo 7-dii Oktoobar, sida laga soo xigtay xogta wasaaradda.

Horseed Media