Isra’iil oo ciidamadeedi kala baxdey koonfurta Gaza

Published: April 7, 2024
Shares10

Israa’iil ayaa la baxday qayb badan oo ka mid ah ciidamadeeda dhulka ee koonfurta Gaza, sida ay ku warrantay warbaahinta Israa’iil. Sababta ka danbeysa go’aankan ayaan ilaa hadda cadeyn.

Warbaahintu waxa ay sheegtay in ciidamada ka baxay ay ku jiraan saddex guuto, waxaana loo badinayaa in ay dhacday habeenkii xalay ee Axadda. Ciidamada ayaa muddo afar bilood ah ku dagaalamayay nawaaxiga magaalada Khan Yuunis.

Ugu badnaan, Israa’iil waxay Qaza ka joogey 30,000 ilaa 40,000 oo askari. Hadda ilaa 5,000 oo kaliya ayaa la sheegay inay soo hareen.

Ilaa iyo hadda ma cadda waxa ka dambeeya go’aanka ciidamadan looga saarayo.

Dadka Falanqeeyaha siyaasadda Bariga Dhexe ayaa sheegaya in ay suuragal tahay, tusaale ahaan, inay sabab u tahay weerar cirka ah oo soo socda oo ka imaanaya dhanka Iran.

Sida laga soo xigtay wargeyska Jerusalem Post, hal guuto oo kaliya ayaa ku hari doona Gaza. Hawsha guutadaasi waa inay ka hortagto Xamaas inay ka soo noqdaan koonfurta una soo dhawaadaan waqooyiga. Wargeysku ayaa warkan ka soo xigtey raadiyaha ciidamada.

Wali ma cadda in Israa’iil ay weerar dhulka ah ku qaadi doonto magaalada Rafah ee koonfurta Qaza. Xulafada Israa’iil waxay ku booriyeen Israa’iil in aanay weerarin Rafah oo ay ku sugan yihiin dadka ka xararay dagaalka Gaza.

Axada maanta ah, Iran waxay sii waday hanjabaad ay Israel uga aargoosanayso ka dib weerarkii lagu dilay hogaamiyayaasha Ilaalada Kacaanka Iran ee Dimishiq, Suuriya.

HORSEEDMEDIA