Israa’iil oo duqeyn la beegsatay caasimada Siiriya ee Dimishiq

Published: August 7, 2023

Gantaal ay Israa’iil ku garaacday meel u dhow caasimadda Suuriya ee Dimishiq ayaa lagu dilay ugu yaraan afar askari oo Suuriyaan ah, afar kalena waa lagu dhaawacay, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee SANA.

Iyadoo soo xiganeysa ilo milateri, SANA ayaa sheegtay in weerarku uu dhacay aroornimadii saaka oo Isniin ah.

Ma jirin wax hadal ah oo ka soo baxay Israa’iil.

Israa’iil ayaa sanado badan waday weeraro ka dhan ah waxa ay ku tilmaantay bartilmaameedyada Iran ee Suuriya.

Saamaynta Iran ayaa ku soo korodhay Suuriya tan iyo markii ay bilowday inay taageerto madaxweyne Bashar al-Assad markii uu bilowday dagaalkii sokeeye ee 2011-kii.

Horseed Media