Isreal oo ku hanjabtay in ay talaabo Milatari ka qaadi doonto xukuumada Tehran

Published: August 2, 2018

Xukuumada Israel ayaa ku goodisay in ay ciidamado u dirayso marin biyoodka Bab al-Mandeb haddii xukuumada Iran ay isku daydo in ay xirto marin biyoodkaasi , sida uu sheegay Benjamin Netanyahu Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil.

Toddobaadkii hore ayay ahayd markii dowlada Sacuudi Carabiya ay sheegtay in ay hakisay istcmaalka marin biyoodka Bab-Al-Mandeb ee u mari jiray shixnadaha oo ah waddada ka dib markii dagaalyahanada xuutiyiinta ay weerareen laba markab oo ku gooshayay marin biyoodkaasi.

Dowladaha Sacuudi Carabiya iyo Iran ayaa ku wada jira dagaal saddex sano qaatay oo socda dalka ay colaaduhu la dageen ee Yemen, waxaana Yemenn oo kamid ah dalalka uu maro marin biyoodkan Ban-Mandeb ay xuutiyiinta ka dagaalama Yemen ku hanjabeen in ay gabi ahaanba xirayaan.

Horseed Media 2018

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *