Isu socodka xaafadaha Baledweyne oo istaagay, kadib Fatahaadii Wabiga shabeelle

Published: May 10, 2023
Shares106

Saameyn ka dhalatay Fatahaada Wabiga shabeelle uu ka heystay Baladweyne oo sii korortay

Saameyn xooggan ayaa ka dhashay Fatahaada Wabiga shabeelle uu ka geystay Magaalada Baladweyne ee Xarunta gobolka Hiiraan.

Daadad ka soo rogmaday Biyaha Webiga Shabeelle ee magaalada Baledweyne ayaa sababay in uu istaago isu socodka guud ahaan xaafadaha magaalada Baledweyne.

Dadkii degana afarta xaafadood ee Baledweyne ayaa u barakacay degaanka Ceel jaalle ee duuleedka magaalada Baledweyne oo ah meel aysan gaarin biyaha wabiga Shabeelle oo mar walba uu wabiga fatahaad sameeyo loo barakaco.

Biyaha Xaafadaha ku rogmaday ayaa gaaraya 2 mitir oo joog sare ah mana jirto illaa hadda gurmad loo fidiyay Qysaska danyarta ah ee ku noolaa xaafadaha Fatahaada uu ka geystay Webiga Shabeelle .

Horseed Media