Itoobiya ayaa soo gabagabaysay buuxinta kaydka biyo-xireenka GERD

Published: September 11, 2023
Shares4

Wasaaradda arrimaha dibadda Masar ayaa cambaareysay tallaabadaas, waxayna ku tilmaantay buuxinta biyo-xireenka Itoobiya mid sharci darro ah.

Itoobiya ayaa maalintii shalay ee Axada sheegtay inay dhamaystirtay wejigii afraad ee ugu dambeeyay ee buuxinta kaydka biyaha tamarta korontada laga dhaliyo ee webiga Niilka, taasoo keentay in mar kale ay ka qayliso Masar oo muddo dheer ka soo horjeeday mashruucan weyn.

Biyo xireenka Grand Ethiopian Renaissance Dam (GERD) waxa uu socday tan iyo sanadkii 2011, waxaana ku baxay lacag dhan $4 bilyan. Waxa uu noqon doonaa biyo-xireenka ugu weyn Afrika marka la dhammeeyo waxaana la filayaa in uu soo saaro 6,000 megawatts oo koronto ah – oo ku filan laba jibaarka wax soo saarka Itoobiya ee hadda.

Masar iyo Suudaan ayaa sheegay in biyo-xireenka uu keenayo inuu yareeyo ama jaro biyaha ay ka helaan webiga Niilka, balse Itoobiya ayaa biyo-xireenka u aragta mid faa’iido u leh horumarinta dhaqaalaha dal ay ku nool yihiin in ka badan 120 milyan oo muwaadiniin ah.

“Hambalyo buuxinta afraad ee biyo xidheenka Grand Renaissance Dam ee Itoobiya,” xafiiska Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed ayaa Axaddii ku qoray baraha bulshada.

“U-adkeysigeena wax kasta oo ka soo horjeedey biyo xireena oo dhicis noqdey ayaa noo horseeday guushan ayaa lagu yiri”

Masar maxay tiri arrintan?

Masar, oo la ildaran biyo-la’aan ba’an, kuna tiirsan wabiga Niil 97% sahaydeeda, waxay GERD u aragtaa khatar weyn oo jirta.

Wasaaradda arrimaha dibadda ee Masar ayaa sheegtay in ku dhawaaqista Itoobiya ee Axaddii ay ahayd mid “sharci darro ah” oo “hal dhinac” ah.

Hogaamiyayaasha labada dal ayaa wada hadalo naadir ah yeeshay bishii Luulyo si ay u bilaabaan dhamaystirka heshiiska buuxinta biyo-xireenka iyo sharciyada hawlihiisa.

Laakiin Axaddii, Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Masar ayaa sheegtay in horumarkan ugu dambeeyay “ay culays saarayo fursadda wada xaajoodka dib loo bilaabay, kaas oo wareegga xiga la rajeynayo inuu tusaale u noqdo guul la taaban karo oo dhab ah.”

Itoobiya ayaa ku andacoonaysa in GERD aanu hoos u dhigi doonin xaddiga biyaha qulqulaya.

Horseed media