Afhayeenka xoogaga fallaagada ah ayaa sheegay in ciidamada Tigreyga ay maanta oo Sabti ah qabsadeen magaalada Dessie oo ka tirsan ismaamulka Axmaaradda.
![](https://horseedmedia.net/wp-content/uploads/2021/10/Dagaalka-itoobiya-301021-1-1200x675.jpg)
Dagaal dheer kadib ayey Ciidamada Tigrayga ay ku guuleysteen inay qabsadaan magaalada istiraatiijiga ah ee Dessie ee gobolka Axmaarada oo xuduud la leh Tigrayga, sida uu sheegeen afhayeen u hadlay fallaagada iyo dadka deegaanka.
Dadka deegaanka ayaa wakaalada wararka ee AFP u sheegay in ciidamada dowlada ay dib u gurteen sabtidii deegaankaasi, kadib dagaalo xoogan iyadoo laga jaray deegaankaasi korontadii.
Getachew Reda, oo ah afhayeenka kooxda Tigray People’s Liberation Front (TPLF) ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay isagoo ku sugan meel aan la shaacin, in dagaalyahannada Tigreegu ay ciidammada dawladda ka soo riixeen magaalada Dessie, ayna hada ku wajahan yihiin magaalada Kombolcha.
![](https://horseedmedia.net/wp-content/uploads/2021/10/20210731_MAM601.png)
Qabsashada Dessie waxay faa’iido istiraatiji ah u noqon doontaa dagaalyahanada Tigrayga oo doonaya inay qabsadaan dhulka Axmaarada.
Magaaladan ayaa 385km u jirta caasimada Addis Ababa, waana guushii ugu weynayd oo ay xoogaga Tigrayga ka gaaraan dagaalka ka socda ismaamulka Axmaarada tan iyo markii ay gobolkaasi soo galeen bishii July.
Horseed Media