Itoobiya oo mar kale weerar dhinaca cirka ka gaysatay Magaalada Mekelle

Published: August 31, 2022
Share1.2k

Diyaaradaha dagaalka Itoobiya ayaa saqdii dhexe ee xalay duqayn ka gaystay Magaalada Mekelle ee Xarunta Gobolka Tigrayga ee waqooyiga dalkaasi.

Saraakiisha caafimaadka iyo dadka deegaanka ayaa sheegay in duqayntu ay ka dhacday agagaarka Isbitaalka Guud ee Mekelle.

Agaasimaha Isbitaalka Mekelle, Kibrom Gebreselassie ayaa sheegay in tiro dhaawacyo ah la soo gaarsiiyay isbitaalka.

Afhayeenka Jabhadda Tigrayga ee TPLF, Getachew Reda ayaa sheegay inaanan la bartilmaameedsan goobo militari, balse la beegsaday Isbitaalka Weyn ee magaalada.

Xukuumadda Addis Ababa ayaan weli ka hadlin duqaynta ka dhacday Xarunta Gobolka Tigrayga ee Mekelle.

Duqayntan ayaase daba socoto duqayn Jimcihii ka dhacday magaaladaasi, taasoo galaafatay nolosha afar qof, oo carruur ay ku jiraan.

Toddobaadkii hore dagaal ayaa dib uga dhex qarxay Ciidamada Dowladda Itoobiya iyo Xoogaga Tigrayga, ka dib xabad joojintii bishii March.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *