Itoobiya oo shaacisay khasaaraha dagaalkii dowlad deegaanka

Published: July 27, 2022
Dagaalka Dowlad degaanka Soomaalida

Ciidamada dowlad deegaanka Soomaalida ayaa dilay 85 dagaalyahan oo ka tirsan Al-Shabaab intii uu socday iska-horimaad ka dhacay xuduudda Soomaaliya iyo Itoobiya Isniintii, sida ay sheegtay Idaacadda dowladda Ioobiya iyo taliye ka tirsan gobolka, maalmo kadib markii Xoogaga Al-Shabaab ay weerarro naadir ah ku qaadeen deegaankaas.

Telefiishanka Itoobiya ee ITV ayaa sheegay in ciidamada Ismaamulka Soomaalida Itoobiya ay dileen 85 ka tirsan Al-Shabaab, tiro intaa ka badanna ay ku qabteen degmada Feerfeer oo ku dhow xadka Soomaaliya.

Taliye ka tirsan ciidamada dowlad deegaanka Soomaalida oo codsaday in aan magaciisa la xigan ayaa sheegay in 85 ka tirsan Al-Shabaab ay dileen. Wakaalada wararka ee Reuters uma suurta galin in ay la xiriirto afhayeen u hadlay Al-Shabaab si ay uga hadlaan arrinkan.

Taliyahan ayaa sheegay in ciidamadoodu ay dileen guud ahaan 243 ka tirsan Al-Shabaab tan iyo markii ay weerareen laba tuulo Arbacadii la soo dhaafay, islamarkaana 22 ka mid ah askartiisa looga dilay dagaalkan.

Mid ka mid ah dadka ku nool Feerfeer ee xuduudka Soomaaliya ayaa sheegay in xubno ka tirsan Al-Shabaab dib loogu soo celiyay Soomaaliya intii uu socday dagaalkii ka dhacay Itoobiya Isniintii.

Weerarada Al Shabaab ay ka geystaan deegaanada ku dhow xuduuda Itoobiya ay la wadaagto Soomaaliya ayaa ah kuwo naadir ah, sababtoo ah ammaanka Itoobiya oo xoogan.

Itoobiya ayaa waxaa Soomaaliya ka jooga ciidamo federaal ah oo ka mid ah ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *