Jabuuti Oo Ka Hadashay Dagaalka Ka Socda Itoobiya

Published: November 17, 2020

Dowlada Jabuuti oo ka hadashay dagaalka ka socda dalka Itoobiya ayaa sheegtay inuu saameyn ku yeesheen dadka rayidka ah, waxay si buuxda u taageertay midnimada iyo madax banaanida dhuleed ee jamhuuriyada federaalka ee itoobiya.

Warqad kasoo baxday wasaarrada arimaha dibadda Jabuuti ayaa lagu sheegay in ka dowlad ahaan ay si buuxda u taageereyso midnimada iyo wadajirka dhuleed ee jamhuuriyadda federaalka ee Itoobiya.

Sidoo kale waxay ku baaqday Jabuuti in si nabad ah lagu xaliyo dhibaatada is afgaran waaga ah ee dhaxtaalo labada dhinac waxaana ugu dambeyntii Dowlada Jabuuti muujisay in ay diyaar u tahay in ay dadaalada nabada iyo Xasiloonida ka qeyb ah u gali lahayd.

Jabuuti ayaa noqotay dalkii ugu horeeyey ee ka tirsan dalalka IGAD oo ka hadlay colaadda ka taagan dalka Itoobiya.

Hoos ka akhriso:

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *