Jabuuti oo si adag uga jawaabtay Eedeyntii ay u jeedisay DF

Published: April 23, 2021

Dowladda Jabuuti ayaa jawaab adag ka bixisay hadalkii kasoo yeeray dowladda Federaalka Soomaaliya ee wakhtigeedu idlaaday kaasoo dowladaha Kenya iyo Jabuuti ay ku eedeysay Faragelin ku saabsan Shir madaxeedka Golaha Amniga iyo Nabadda Midowga Afrika.

Qoraal kasoo baxay wasiirka Maaliyadda Jabuuti ayaa lagu sheegay in Jabuuti ay ka xun tahay hadalka kasoo yeeray Wasiir ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaana lagu qeexay warkaasi mid waxyeelleynaya qiyamka Jabuuti ee ku aadan nabadda iyo xasilloonida Soomaaliya.

“Waxaan aad iyo aad uga xumahay hadalka ka soo yeeray  wasiir ka tirsan dowladda Soomaaliya, kaasi  oo ku celcelinaya mar labaad,  eedeymo kale oo been abuur ah oo ah in dowladda Jabuuti uu ajande ka leedahay xiisadaha siyaasadeed ee hadda ka jira Soomaaliya” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay wasiirka maaliyada Jabuuti.

Shalay ayay ahayd markii dowladda Federaalka Soomaaliya ee mudada kororsatay ay ku eedeeysay dowladaha Kenya iyo Jabuuti in ay faragelinayaan Go’aanka Midowga Afrika kadib shirka Golaha amniga iyo Nabadda AU.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *