Japan iyo Canada oo diiday inay saxiixaan Warqadii G7 ku taageertay Israa’iil

Published: October 13, 2023

Shan xubnood oo ka tirsan G7 ayaa Isniintii soo saaray bayaan wadajir ah oo ay ku taageerayaan Israa’iil ka dib weerarkii Xamaas ku qaaday Israel – balse Japan iyo Canada ayaa diiday inay saxiixaan bayaankaas.

Waxaa hada soo baxaysa khilaafka G7 ee ku aadan xaalada Falastiin, iyadoo markii hore Bayaankan la rabay in lagu soo saaro magaca G7, balse markii danbe ay saxiixeen shanta kale ee xubnood kadib diidmada Japan iyo Kanada.

Bayaanka waxaa saxiixay Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron, Ra’iisul Wasaaraha Jarmalka Olaf Scholz, Ra’iisul Wasaaraha Talyaaniga Giorgia Meloni, Ra’iisul Wasaaraha Britain Rishi Sunak, iyo Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden.

Shanta hoggaamiye waxay muujiyeen “taageerada midaysan ee ay siinayaan dawladda Israa’iil” waxayna dhalleeceeyeen “falalka argagaxa leh ee Xamaas”.

Bayaanka shanta hoggaamiye waxa ay sidoo kale ku nuuxnuuxsadeen inay aqoonsan yihiin “rabitaanka sharciga ah ee dadka Falastiiniyiinta” balse “Xamas ma matasho rabitaankaas.” ayey yiraaheen.

Dalalka Japan iyo Canada oo iyagu kamid ah kuwa u ololeeya nabada iyo xaquuqul Insaanka ayaa cambaareeyey falalkii Xamaas, balse diiday inay taageero indho-la’aan ah u muujiyaan Israel oo xiligan duqeyn ka wada dhulka Gaza.

Horseed Media