Jen. Cismaan Maxamed Jeelle oo xilal ka soo qabtay dowladii kacaanka oo ku geeriyooday Australia

Published: May 18, 2023

Magaalada Melbourne ee dalka Australia waxaa ku geeriyooday Allaha u naxariiste Jenaraal Cismaan Maxamed Jeelle oo ka mid ahaa Golahii sare ee dowladdii dhexe ee dalka Soomaaliya.

Marxuumka ayaa xilal badan  oo ay ka mid ahayeen Wasiirka Xanaanada Xoolaha iyo Duqa Muqdisho kasoo qabtay dowladdii dhexe ee dalka oo uu madaxweynaha ka ahaa Jaalle Maxamed Siyaad Barre.

Geerida marxuum Cismaan Jeelle ayaa waxaa ka tacsiyadeeyay siyaasiyiin badan oo caan ka ah Soomaaliya iyo qeybaha kala duwan ee shacabka Soomaaliyeed.

Alle ha u naxariistee marxuum Cismaan Jeelle ayaa dadka aqoonta u lahaa waxay sheegeen inuu ahaa shaqsi wanaagsan oo ay ku weyneyd Soomaalinimada iyo dowladd Jaceylka.

Horseed Media