Jeneraal Sheegow oo lasoo tagay Maxkamada Ciidamada

Published: October 28, 2023

Sheegow Axmed Cali iyo askartii difaaceysay oo dowladda Soomaaliya xirtay bartamihii bishii Agoosto ayaa markii ugu horeysay maxkamada ciidamada lasoo taagay.

Waxaa Sheegow maxkamada lala soo taagay 23 kamid ah askartii illaalada u ahayd.

Sheegow iyo illaaladiisa waxaa dacwada lagu soo oogay kamid ah in intii uu socday dagaalkii 18-19 Agoosto ee ka dhacay gurigiisa uu gacantiisa ku dilay askari, isla markaana uu dhaawac culus u geystay nin sarkaal ka tirsan ciidamada dowlada.

Xafiiska xeer ilaalinta ayaa Sheegow ku eedeeyey inuu sidoo kale ka been abuuray darajooginkiisa ciidamada, isla markaana uu sheegtay darajada Jeneraal oo aan la siinin.

Xukuumada Federaalka ayaa horey u sheegtay in Sheegow mar hore laga saaray liiska ciidamada Soomaaliya.

Qareenadii difaacayey Sheegow ayaa ku dooday in ninkaan lagu weeraray gurigiisa, isla markaana uu is difaacay, waxay kaloo sheegeen in dowladdu ay halkaas ku dishay qaar ka mid ah ciidamadii la joogay oo uu ku jiro wiil uu dhalay Sheegow, kuwaas oo dhiigooda aan waxaba la iska weydiin.

Dhageysiga dacwada kadib Guddoomiyaha Maxkamada Darajada 1aad, G/Sare Xasan Cali Nuur Shuute ayaa sheegay in go’aanka kiiskaan ay dib ka soo sheegi doonto maxkamaddu.

Horseed Media