Jigjiga: Madaxweyne Cagjar: “…Calanka iyo Magacaba waan bedeleynaa…”

Published: August 23, 2018
Calankii hore ee la bedalay oo dib loo sooc elinaayo

Madaxweynaha cusub ee Ismaamulka Soomaalida Itoobiya Mustafe Muxumad Cumar ayaa maagaalada Adis Ababa ka sheegay in ay ka shaqeynaayoaan sidii dib loogu soo celin lahaa calankii hore ee ay ka muuqatey qaybta Soomaaliya, sidoo kale waxa uu ballan qaadey in magaca Dowladda Ismaamulka Soomaalida uu u bedeli doono Dowladda Soomaalida.

“Cafarta oo degta Jabuuti, Itoobiya iyo Eritrea lama yiraahdo Cafarta Itoobiya, sidoo kalena Orommada oo degta Kenya iyo Itoobiya Lama yiraahdo Orommada Itoobiya, sidaa darteed iima muuqato sabab loo yiraahdo Soomaalida Itoobiya” ayuu yiri Mustafe Cagjar.

Calankii hore ee uu ka muuqdey qaybta Soomaaliya waxaa joojiyey Madaxweynihii xilka laga tuurey Cabdi Maxamuud Cumar muddo haatan laga joogo sideed sano.

Mustafe ayaa ah aqoon yahan si weyn ugu kacsanaa maamulkii hore ee lala xiriirin jirey in uu wada shaqeyn dhaw lalahaa Tigreega dalka soo xukumi jirey.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *