Joe Biden oo ku guuleystay Doorashada Madaxweynaha Maraykanka

Published: November 7, 2020

Warbaahinta Maraykanka ayaa bilaabay inay ku dhawaaqaan in Murashaxa Xisbiga Dimuquraadiga Joe Biden uu ku guuleystay Doorashada Madaxweynaha.

Sida muuqata Biden ayaa helay codod ku filan kadib markii la dhameystiray inta badan cododkii gobalka Pennsylvania oo siineysa Joe Biden ergo gaareysa 20 taasi oo ka dhigeysa in la hubo ergadiisa inay gaareyso 273 oo ka badan 270kii looga baahnaa.

Joe Biden ayaa bartiisa Twitter ku qoray inay sharaf u tahay inuu qabto xilka Madaxweynaha Maraykanka.

Weli waxaa socda tirinta cododka gobalada qaar balse waxaa hubaal ah in gobaladaasi weli la sugayo sida Nevada, Georgia iyo Arizona uu sidoo kale ku horeeyo Joe Biden cododka harayna aysan fursad usiin karin Madaxweynaha xilka haya Donald Trump inuu wax guul ah gaaro.

Waxaa lagu wadaa in dhawaan uu shacabka la hadlo Madaxweynaha la doortay Joe Biden oo xalay mar uu shir jaraa’iid qabtay sheegay inuu hubo in uu guuleystay, waxaase muddo dheer la sugayey inay warbaahinta Maraykanka ku dhawaaqdo.

Donald Trump oo weli diidan in laga guuleystay ayaa laftiisa la filayaa inuu saxaafada la hadlo, maalmihii lasoo dhaafay ayuu ku dagaalamayey dhanka Twitter, walow uusan illaa iyo hada heysan awood sharci oo uu ku diidi karo qaabka ay u dhacday tirinta cododka.

Joe Biden ayaa noqon doona Madaxweynaha 46aad ee Maraykanka, Biden oo siyaasada Maraykanka kusoo jiray in ka badan 40 sano ayaa horey muddo 8 sano ah soo noqday Madaxweyne kuxigeen xukuumadii Barack Obama.

Sidoo kale waxaa taariikh cusub noqoneysa in markii ugu horeysay xilka Madaxweyne kuxigeenka ay qaban doonta qof haween ah, kana soo jeeda dadka laga tiro badan yahay, Senator Kamala Harris.

Khalid Yusuf
Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *