Joe Biden oo si ba’an u weeraray Madaxweynihii ka horeeyey ee Donald Trump.

Published: September 2, 2022

Madaxwaynaha Maraykanka Joe Biden ayaa khudbadiisi habeenkii jimcada uu jeediyey ku sheegay in “Trumpism-ku” uu khatar ku yahay dimuqraadiyadda.

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa ka digay Madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump iyo taageerayaashiisa inay halis ku yihiin dimuqraadiyadda.

Waa waajib in aan runta sheego, xitaa haddii ay adag tahay oo ay xanuun badan tahay.

Joe biden

Khudbad uu u jeediyay shacabka habeenkii jimcaha ee xilliga Soomaaliya, ayuu Biden ku sheegay in taageerayaasha Trump ay ka go’an tahay inay dib u ugu celiyaan Mareykanka waqtigiisii hore.

“Dib u laabashada Ameerika oo aysan jirin xaq loo leeyahay doorasho xor ah, oo aadan xaq u lahayn nolol kuu gaar ah, oo aadan xaq u lahayn ka-hortagga uur-qaadidda, xitaa xaq uma lahaaneysid in aad guursato qofka aad jeceshahay.”

Biden

Jamhuuriga oo dhan ma xuma

Khudbadda Biden oo siyaabo badan ugu ekayd khudbadii ololaha doorashada, ayaa ku billaabatay weerarro adag oo uu ku qaaday madaxweynihii ka horreeyey iyo taageerayaashiisa.

Laakiin wuu ka taxadiray inuu farta ku fiiqo in dhammaan Jamhuurigu aanay ahayn kuwa loogu yeero taageerayaasha MAGA – ka dib hal-ku-dhiggii Trump ee “Mar kale Maraykanka ka dhig mid weyn”.

Taas bedelkeeda, Biden wuxuu sheegay in xisbiga Jamhuuriga uu qayb ahaan “ku awood badan yahay oo ay la wareegeen, hanjabaadona u direen kuwa wanaagsan.

Donald Trump iyo Jamhuuriga MAGA waxay u taagan yihiin xagjirnimo khatar ku ah aasaaska Maraykanka, ayuu yiri Biden.

Khudbadda oo telefishinada toos looga daawanaayey ayuu ka jeediyey hoolka madaxbanaanida oo ku yaala magaalada Philadelphia ee gobolka Pennsylvania oo ahayd halkii ay ku dhalatey dimuqraadiyadda Mareykanka, halkaas oo lagu saxiixay ku dhawaaqidda madax-bannaanida iyo dastuurka Mareykanka.

Biden, oo si weyn uga fogaaday xitaa inuu Trump magaciisa xuso sannadkiisii ​​​​ugu horreeyay ee madaxweynaha, ayey u muuqatey khatarta Donald Trump iyo sida uu u afduubtey xisbigii Jamhuuriga.

Bisha Nofeembar, waxaa dhacaysa doorashada Aqalka Golaha Wakiilada, iyo sidoo kale saddex meelood meel ka mid ah Aqalka Guurtida.

Dimuqraadiyiinta ayaa doonaya in difaacdaan aqlabiyadda yar ee suurtogalka ah ee aqalka Senate-ka iyo aqlabiyadda yar ee Aqalka Golaha Wakiilada.

Doorashada horudhaca ah ee la qabtay ilaa hadda ka hor doorashada xilliga dhexe, murashaxiinta uu taageerayo Donald Trump ayaa si wanaagsan u soo baxay.

Khalid Yusuf
Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *