John Dramani Mahama oo ka laabtay Howlihii erganimo ee loogu soo magacaabay Soomaaliya

Published: May 21, 2021

John Dramani Mahama oo dhawaan Midowga Afrika uu usoo magacaabay inuu ergay dhexdhexaadiye ah ka noqdo Soomaaliya ayaa la xaqiijiyay in uu ka tanaasulay aqbalaadii xilka ergaynimo.

Mahama ayaa la sheegay in uu warqad istiqaalo ah u diray Gudoomiyaha Midowga Afrika taasoo uu kaga cudur daartay in uu howlaha Erganimo ka bilaabo Soomaaliya sababo la xiriira diidmo ka timid dowladda Federaalka Soomaaliya ee wakhtigeedu dhamaaday.

“Isagoo uga mahadnaqay Midowga Afrika kalsoonida uu ku qabo, ayaa Mahama waxa uu tilmaamay in muhiimadda weyn ee siyaasadeed ee ay u baahan tahay hawshaa loo xil saaray tahay in uu taageero iyo wadashaqayn aan tuhun lahayn ka helo dhammaan dhinacyada siyaasadeed ee arintu khusayso”.

ayaa lagu yiri qoraal uu soo saaray John Mahama.

Qoraalka Madaxweynihii hore ee dalka Ghana John Mahama ayaa Sidoo kale lagu xusay in aysan suurtogal ahayn in uu xilkiisa guto maadaama dhinac ka mid ah Soomaaliya uusan ku qanacsanayn.

“Madaxweyne Mahama oo magacaabistiisa ergeyga Midowga Afrika ay si buuxda u soo dhaweeyeen Golaha Musharaxiinta Madaxweynenimo ee Soomaaliya iyo golaha madaxweyneyaashaa dawlad goboleedyadu, ayaa sidoo kale warqadda uu u diray gudoomiyaha Midowga Afrika, Moussa Faki Mahamat, kaga deyriyey in taageero la’aanta dhanka Dawladda Federaalku khatar gelin karto gebi ahaanba hanaanka oo ay wiiqi karto rajada dunida oo dhami ka qabto in nabad lagu soo dabbaalo dalka Soomaaliya ee sharafta leh”.

Warqad dhawaan kasoo baxday wasaaradda arimaha dibadda Soomaaliya loona diray Gudoomiyaha Midowga Afrika ayaa diidmo looga muujiyay magacaabista John Dramani mahama iyadoona AU ku wargalisay in aanay aqbalayn oo aanay ku taageeri doonin hawlaha ururku uu u igmaday Mahama.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *