Jowhar: Al-Shabaab oo weerar ku qaadey saldhig ku yaaley Daaru Nimca

Published: September 4, 2023
Shares38

Subaxnimada isniinta ayaa Malayshiyaadka argagixisada al-Shababaab weerar ku qaadeen saldhig ku yaaley Daaru Nimca oo hoos tagta Ruun Nirgood, gobolka Shabeelaha Dhexe.

Khasaaraha weerarkan ayaan faahfaahin laga hayn ilaa hadda, waxaase wararka qaarkood sheegayaan in al-Shabaab ay ku weerareen Saldhigga Malayshiyaad aad u badan kadibana ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanku ay si xeeladaysan uga baxeen saldhigga.

Daaru Nimca ayaa ah goob istaraatiiji ah oo al-Shabaab laga xoreeyey bilowgii sanadkan, dhamaadkii bishii Juune 2023 ayaa malayshiyaadka al-Shabaab weerareen saldhigga Daaru Nimca.

Warkan oo faahfaahsan gadaal ayaa laga daabacayaa