Jubbaland: Kulankii Golaha Wasiirada oo looga hadlay xaalada amniga

Published: February 24, 2022

Madaxweynaha Dowlad Gobaleeedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa maanta shir guddoomiyay kulanka golaha wasiirada oo lagaga hadlay qodobo kala duwan.

Ugu horreyn golaha ayaa si wadajir ah guud ahaan shacabka Soomaaliyeed uga tacsiyeeyay geerida alle ha u naxariistee sheekh Cabdinaasir Xaaji Axmed oo dhawaan ku geeriyooday Magaalada Kismaayo.

Wasaaradda amniga ayaa faahfaahin ka bixisay xaalada amniga iyo howlgalada hay’adaha amaanka oo ay kamid yihiin sugida amniga magaalooyinka iyo doorashooyinka, Wasaaradda waxaa ay sheegtay in howlgal Ciidamada amaanka ay ka sameeyeen duleedka Degmada Jamaame lagu dilay lix katirsan kooxaha argagixisada ah sidoo kalana lagu soo qabtay tiro maxaabiis ah.

Sidoo kale golaha wuxuu ansixiyay siyaasada nashqadaynta guryaha Jubaland oo ay kamid yihiin dhismaha guryo tayo leh oo loo dhisayo dadka gudaha ku barakacay iyo dadka kasoo noqonaya xeryaha qoxootiga dhadhaab.

Dhinaca kale Xildhibaan Cabdirashii Maxamed Xidig ayaa golaha u soo bandhigay tijaabada Doog dabiici ah oo lagu beeray gudaha Jubbaland oo muddo kooban kusoo bixi kara kadibna la siin karo xoolaha isla markana ganacsato ree Jubbaland ah ay leeyahiin fikirkiisa.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *