Jubbaland: Musharaxiinta xildhibaanada oo lagu waregsiyey inay isdiiwaan-geliyaan

Published: December 26, 2021

Musharax Xildhibaan Maxamed Cali Cumar oo noqday musharaxii labaad ee la guddoonsiiyey shahaadada musharaxnimo.Guddiga Hirgalinta Doorashooyinka heer Dowlad Goboleed ee Jubaland SEIT ayaa musharax Xildhibaan Maxamed Cali Cumar oo u tartamaya kursiga tirsigiisu yahay HOP 108 gudoonsiiyay shahaadada musharaxnimo.

Guddiga Hirgalinta Doorashooyinka heer Dowlad Goboleed ee Jubaland SEIT ayaa ku wargaliyay musharaxiinta kuraasta 6-da ah ee la shaaciyey 23-December-2021 in ay isa soo diiwaan galiyaan maanta, oo ay tagaan xarunta Guddiga doorashada heer Dowlad Goboleed ee Jubaland.

Guddiga doorashooyinka ayaa labadii maalmood ee ugu dambeeysay waday, soona gaba gabeeyey diiwaan galinta iyo tababarida Guddiyada xulista ergooyinka.

Sidoo kale, guddiga ayaa diiwaan-galiyay dhammaan ergooyinka ka codeenaya 6-da kursi.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *