Jubbaland oo awaamiir adag ka soo saartay hubka lagu dhex qaato Magaalada Kismaayo

Published: September 5, 2022

Jubbaland ayaa awaamiir adag ka soo saartay hubka lagu dhex qaato Magaalada Kismaayo ee xarunta KMG Jubbaland, ka dib markii ay soo baxeen warar sheegaya in maleeshiyada Al Shabaab ay qorsheynayaan weeraro ka dhan ah magaaladaasi.

Wasiirka Amniga Jubbaland, Yuusuf Xuseen Cismaan (Dhuumaal) oo shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Kismaayo ayaa marka hore digniin u jeediyay dad uu sheegay inay Al Shabaabka ka soo qaadeen farriimo lagu qalqalgelinayo amniga magaalada.

Wasiir Dhuumaal ayaa sheegay in ciidamada aan ahayn kuwa qaabilsan amniga magaalada aanay wax hub ahi ku dhex qaadan karin magaaladaasi, ciddii lagu arkana in tallaabo sharci ah laga qaadi doono.

Sidoo kale Wasiirka ku wargeliyay Ciidamada Sida Gaarka ah u tababaran iyo kuwa Booliskaba ama JISA (Nabad Sugidda Jubbaland) ay cid kasta oo magaalada hub ku dhex wadato, oo aan ahayn mid sharci ah ama mid goobtiisa la joogga inay soo qabtaan, oo ay xareeyaan, amarkaasna la fuliyo.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *