Jubbaland oo soo bandhigtay Ciidan loo diyaariyay dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab

Published: November 28, 2022
Shares42

Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam (Madoobe), ayaa maanta booqasho iyo salaan ugu tagay Ciidamada Qalabka sida ee loo diyaariyay howlgalka dhawaan ka bilaabanaya deegaanada Maamulkaas.

Booqashada Madaxweynaha waxaa ku wehelinayay Wasiirka Difaaca Dowlada Federaalka Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur iyo Taliyaha  Ciidamada Xoogga Dalka Sareeye Guuto Odowaa Yusuf Raage oo Jubaland u joogay Maalmahan sidii Dowlada Federaalka iyo Jubaland ay u bilaabi lahayeen howlgalo midaysan oo ka dhan Al-shabaab.

Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam oo khudbad kooban ka jeediyay goobta ayaa tilmaamay in Ciidamadan ay ka kooban yihiin noocyada kala duwan ee Ciidamada Jubaland iyo kuwa xooga dalka isla markana ay diyaar u yihiin xoraynta dalka.

Madaxweynaha ayaa sheegay in Al-shabaab lagu jabiyay dagaalka kasocda gobolada dalka isla markaan la is raacin doono lagana xoraynayo deegaanada Jubaland oo ah halka howlgalka xoogiisa uu ka bilaaban doono

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa ku amaanay Madaxda Dowlada Federaalka Soomaaliya sida ay uga go’an tahay nabad kusoo celinta dalka iyo cirib tirka Al-shabaab.

Horseed Media