Kalfadhiga Golaha Wakiilada Puntland fursadaha iyo caqabadaha ku gedaaman.

Published: June 11, 2023
Shares36

Waxaa lagu wadaa maalinta khamiista ah ee 15 Juun 2023 in uu furmo kalfadhigii 52aad ee golaha wakiilada, kalfadhigan ayaa ka duwanaan doona kuwii hore waxaana u ku soo beegmayaa xili aad xasaasi ah Puntland ay taagan tahay waddo isgoys ah, welina aan la aqoon halka ay qaadeyso iyo sida ay ku dhamaaneyso.

Muddo xileedkii Golaha wakiilada waxaa ka dhiman lix bilood oo keliya, waxaa Puntland ka bilowdey doorashooyinka xisbiyada ku dhisan iyada oo la qabtey 33 degmo oo ka tirsan Puntland doorashadoodi, taas oo codadka ugu badan ay heleen 5 urur siyaasadeed oo kamid ahaa 7 urur siyaasadeed oo tartanka galey.

Kalfadhigan waxa uu jiheyn doonaa halka dalku aadi doono, taas oo ay ku gedaaman yihiin caqabado waaweyn.

FURITAANKA DASTUURKA

Golaha xukuumadda Puntland waxay meel mariyeen hindise dhigaya in qodobka 46 aad ee dastuurka wax laga beddelo kaas oo xadidaya nidaamka xisbiyada, waxaana ay soo jeediyeen in laga dhigo shan (5) xisbi in Puntland ay yeelan karto, golaha wakiilada ayaana loo gudbiyey hindisaha wax ka beddelka dastuurka.

Ajandaha ugu weyn ee kalfadhigan horyaala ayaa ah, halka ay Puntland u jiheysanayso, xogo ku dhaw kalfadhiga iyo diyaarintiisa ayaa sheegaya in badan oo kamid ah xildhibaanadu qabaan wax ka beddelka dastuurka iyo in horey loogu socdo barnaamijka dimoqrraadiyadda, sidoo kale xogtu waxay sheegaysaa in aysan ku ekaaneyn oo keliya qodobada xukuumaddu soo jeedisay in wax laga beddelo ee isbeddel weyn lagu sameyn doono kaas oo taabanaya doorashada soo socda waxaana kamid ah qodobada la filaayo:

  • In tirada xisbiyada laga dhigo waxa loo yaqaan saami-boqoleey (threshold) ururka gaara uu xisbi noqon karo, halka xukuumaddu ay soo jeedisey 5 xisbi oo keliya.
  • In doorashada Madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa lagu galo codka shacabka ee aan baarlamaanka loo soo celin.
  • In Musharixiinta madaxweynuhu ay ku imaan karaan xisbiyada dalku lee yahay, sidoo kale ay jiri karaan kuwo ka madaxbanaan oo iskood u socda, waxa taas la mid ah musharixiinta golaha wakiilada.
  • In doorashada golaha wakiilada iyo tan Madaxweynuhu isku mar dhacaan inta lagu jiro muddo xileedkan.

Qodobadan ayaa ah kuwo shacabku si weyn u soo dhaweynayaan, laakiin waxaa ku gedaaman, caqabado waaweyn, oo ay ugu horeyso amniga caasimadda iyo sida kalfadhigaani si nabad ah ugu qabsoomi lahaa, maadaama maamulku dib u dhigey doorashadii magaalada Garoowe, si looga hortago khalkhal amni. waxaa xusid mudan in dorashadii 30 degmo ay ku dhacdey rabitaanka shacabka oo ka soo daaley nidaamkii hore ee beelaha ku dhisnaa siyaasadduna u afduubneyd dadgaar ah, waxaana ay ahayd doorashadii ugu dhibta yarayd ee ka dhacda Soomaaliya, taas oo Puntland u soo jiiday sumcad wanaagsan.

DENI OO AY HAYSATO LABA DARAN MID DOORO

Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni waxaa uu ku jiraa xiliyadii ugu adkaa muddo xileedkiisa, waxaana horyaala in uu kala doorto arrimo kala daran:

Haddii aan dastuurka la furin oo tirada xisbiyada shan iyo ka badan aysan noqon, suurtagal uma ahan in la helo saddexdii xisbi ee doorashada golaha wakiilada lagu geli lahaa, iyada oo aan la qaban saddexda degmo ee caasimaddu ku jirto oo ay yaalaan 60 kun oo cod, maadaama ururka kalainta afaraad ku jiraa ku doodi karo in ay soo bixi karaan haddii la qabto doorashada saddexda degmo.

Qabashada doorashooyinka saddexda degmo ayaa u baahan heshiis siyaasadeed ama awood ciidan oo amniga lagu sugo, markasta oo wakhtigu sii dheeraado oo loo dhawaado 8 janaayo 2024, waa markasta oo Madaxweyne Deni dariishada yar ee u furan ay ciriir sii noqoneyso.

Haddaba, madaxweyne Deni waxa uu ku khasban yahay sidii caqabada jira uga gudbi lahaa waxaa horyaala.

  • In uu ku guuleysto qorshihiisa furitaanka dastuurka iyada oo loo marayo wadatashi shacab iyo ururo siyaasadeed.
  • In uu doorashada ku qabto inta ka dhiman muddo xileedkiisa, ama uu helo heshiis siyaasadeed iyo road-map cad.
  • In uu muddo kororsi aan heshiis lagu ahayn raadiyo kuna khamaaro masiirka Puntland.
  • In uu giraaanta ku soo celiyo halkii uu ka bilaabey, kuna dhawaaqo in doorashada lagu gelaayo nidaamkii hore.
  • In uu hamigiisa doorashada Madaxweynaha ka haro, kuna dhawaaqo in uu nidaamkan uu bilaabey hirgelinaayo dhex ka noqonaayo, si uu taariikh u reebo.

Haddii barnaamijka dimoqraadiyaddu ku istaago halka uu maanta taagan yahay oo la dhihi karo waxaa uu soo gaarey meel adag oo aan dib loo noqon karin, waxa la is weydiinayaa sida ay Puntland noqoneyso haddii ay hoggaanka u qabtaan kuwa ka horyimid doorashada goloyaasha deegaanka, adeegsadey ciidankii Puntland oo ka dhigey kuwo ka baxsan xayndaabka sharciga, suurtagal ma noqon doonta in ay ka shaqeeyaan wixii ay ka hor yimaadeen? waa khatarta ugu weyn ee soo wajihi doonto siyaasiyiinta qoriga wax ku doontey ee ka horyimid himmiladii shacabka iyo dastuurka.

Horseed Media