Kenya: Macalimiin Dalbaday in Tababar iyo Hub ay Isku Difacaan la Siiyo

Published: January 16, 2020

Ururka midowga macalintii Dugsiyada hoose/dhexe ee Kenya ayaa ka dalbaday dowladda Kenya inay tababar ciidan siiso islamarkaana hubayso macalimiinta ka howlgala gobolka xeebta iyo gobolka waqooyi Bari ee Kenya

Xogyahaha guud ee ururka Akelo Misori waxaa uu cambaareeyay weerarada ururka alshabaab ay la beegsadaan macalimiinta Dugsiyada, waxaana uu ka codsaday wasaarada arrimaha dibada ee Kenya in Xaaladaha amni ee macalimiinta wax laga qabto.

Wuxuu sheegay in dhammaan hay’adaha waxbarashada ee gobolka waqooyi bari ee Kenya ay halis ugu jiraan weeraro argagixiso, waxaa kaloo uu tilmaamay in macalimiintu ay bartilmaameed nugul u yihiin ururada Argagixisada

Wuxuu sheegay in saddex macalin lagu dilay degaanka Kamuthe, waxaa kaloo uu tilmaamay in inta badan weeraradu dhacaan marka ciidanka booliisku ka tagaan iskoolada.

Ururka Alshabaab ayaa muddooyinkii u dambeeyay wuxuu weeraro iyo qaraxyo ka gaysanayay gobolka xeebta ah ee ee kenya, iyadoo weerarkii ugu halista badnaa uu ku qaaday saldhig Milateri oo ciidamada kenya iyo kuwo maraykanku ay adeegsadaan.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *