KENYA: Maxkamada oo Adan Bare Ducale u ansixisay guushiisii kursiga Gaarisa

Published: February 27, 2018

Xildhibaan Adan Bare Ducale oo ah hogaamiyaha xildhibaanada xisbi xaakimka ee Baarlamaanka Kenya ayaa ku guuleystay inuu difaacdo guushiisii kursigiisa magaalada Garissa oo laga soo doortay.

Aden Ducale ayaa kursiga Xildhibaanka Gaarisa uga guuleystay Farax Macalim oo kamid ah mucaaridka NASA oo kula tartamayey doorashadii dhacday 8dii bishii Agoosto ee sanadkii tagay.

Bishii September ayuu Farax Macalim dacwad u gudbiyey Maxkamada isagoo codsaday in natiijadaasi la laalo.

Farax Macalim oo horey mar usoo noqday Guddoomiye kuxigeenka Baarlamaanka Kenya, ayaa ku dooday in doorashada kursiga Gaarisa ay ku shubteen Aden Ducale iyo kooxdiisa. Wuxuuna Maxkamada ka codsaday inay amarto in guddiga doorashada soo bandhigo dhamaan qoraalada codbixinta shacabka iyo xogta ku jirta serverka codbixinta keydinayey.

Maxkamada Kenya ayaa saaka sheegtay inaysan jirin cadeyn muujineysa in lagu shubtay doorashada ka dhacday Gaarisa, waxayna ansixisay guusha Aden Ducale.

Farax Macalim ayaa dhankiisa sheegay inuu racfaan ka qaadan doono go`aanka Maxkamada maanta gaartay.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *