Kenya oo ciidamadooda Somaliya jooga u dooneysa Dhaqaalo Dheeraad ah!

Published: September 27, 2018

Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta oo ka qeyb galaya shirweynaha Qaramada Midoobay ayaa Beesha Caalamka ka codsaday taageero dhaqaale oo horleh.

Kenyatta ayaa sheegay in ciidamadooda ku sugan dalka Soomaaliya ay u baahan yihiin dhaqaale lagu horumariyo hawlgalkooda, isagoo sheegay in ciidamadooda ay wajahayaan caqabooyin badan.

Uhuru Kenyatta oo kulamo gaar gaar ah laleh dalalka deeqda bixiya ayaa ku doodaya in ciidamada Kenya ee kamid ah Amisom ay yihiin kuwo kaalin ka qaadanaya xasiloonida dalka Soomaaliya balse aan heysan dhaqaale ku filan oo ay uga hortagaan dhamaan caqabadaha culus ee horyaal.

Maaha markii ugu horeysay oo ay dowlada Kenya dhaqaalo dheeraad ah ka codsato Beesha Caalamka, waxayna sidan oo kale horey ugu hanjabeen inay ciidamadooda kala bixi doonaan kadib markii Midowga Yurub uu jaray qeyb kamid ah dhaqaalihii uu ku kabi jiray hawlgalka AMISOM.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *