Kenya oo maanta diyaaradii ugu horreysay oo Qaad ah usoo dirtay Soomaaliya

Published: July 24, 2022
Shares330

Dowladda Kenya ayaa maanta diyaaradii ugu horeysay oo siday Qaadka Miirowga usoo dirtay Soomaaliya, iyadoo kasoo dagaysa magaalada magaalada Muqdisho.

Waa markii ugu horreysay oo ay Kenya qaad u dhoofinayso Soomaaliya, labo sano kadib markii dowladdii hore ay xayiraad kusoo rogtay sababa la xiriira COVID19 iyo xiriirka diblumaasiyadeed labada dal oo xumaaday.

Dowladda Kenya ayaa halgan dheer u gashay sidii xayiraada looga qaadi lahaa Jaadka Miirowga, waxayna ugu dambeyn ku guulaysatay bartamihii bishan, in madaxweynaha Soomaaliya uu saxiixo dib usoo celinta Qaadka Miirowga.

Kenya ayaa mamnuucida Jaadka ku weyday in ka badan 50 tan oo Qaad ah oo lagu qiimeeyo in ka badan 20 milyan oo shilinka dalka Kenya maalintii kaliya.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *