Khasaare ka dhashay weerar ay Al-shabaab ku qaadday saldhig ay leeyihiin ciidamada ATMIS

Published: May 26, 2023
Shares58

Ururka Al-Shabaab ayaa maanta weerartay saldhig weyn oo ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika ay ku leeyihiin degmada Buulomareer ee gobolka Shabeelada Hoose.

Weerarka ayaa waxaa xigey dagaal toos ah, kaas oo uu ka dhashay khasaare kala duwan, sida ay xaqiijiyeen dadka degaanka.

Howlgalka nabad ilaalinta Midowga Afrika ee Soomaaliya oo ka hadlay weerarka Al-Shabaab ayaa sheegay inay hadda ku jiraan qiimeynta xaalada amni.

Sidoo kale waxay sheegeen inay dhawaan faahfaahin doonaan xog dheeraad ah oo la xiriirta weerarka.

Saldhigaas oo ku yaal degmada Buulomareer ayaa waxa uu fadhi u yahay ciidamada Uganda ee qeybta ka ah howlgalka ATMIS.

Horseed Media