Kim Jong-un oo booqday xarumaha nukliyeerka ee Ruushka

Published: September 17, 2023

Hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong-un ayaa kormeeray xarunta gantaallada “Kinzhal” ee Ruushka iyo sidoo kale kuwa istaraatiijiyada ah ee xambaari kara Nukliyeerka.

Oleg Kozhemyako, oo ah gudoomiyaha gobolka Primorsky ee Ruushka, ayaa ku dhawaaqay imaatinka Kim ee magaalada Artyom, oo qiyaastii 40km waqooyi bari kaga beegan Vladivostok Sabtidii shalay.

Ka dib markii uu yimid Artyom, Kim ayaa markaa u safray garoonka diyaaradaha ee Vladivostok oo ka baxsan magaalada halkaas oo lagu soo bandhigay diyaaradaha wax duqeeya ee awoodda nukliyeerka iyo diyaaradaha kale ee dagaalka, waxaana kormeerka ku wehliyey Wasiirka Difaaca Ruushka Sergei Shoigu iyo saraakiil sare oo ka tirsan militariga.

Kim oo booqashadiisa Ruushka kasoo bilaabatay Arbacadii ayaa shir madaxeed kula yeeshay madaxweyne Vladimir Putin xarunta dayax-gacmeedka ee [Vostochny Сosmodrome].

Hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi ayaa jimcihii booqday magaalada Komsomolsk-on-Amur isagoo booqaday warshada soo saarta diyaaraha dagaalka ee Su- 57.

Horseed Media