Koonfur Afrika oo ku baaqday in Israel la horgeeyo Maxkamada Caalamiga ee Danbiyada ICC

Published: November 16, 2023
Shares10

Madaxweynaha Koonfur Afrika Cyril Ramaphosa ayaa ugu baaqay Maxkamada Caalamiga ah ee Danbiyada ICC inay dacwad kusoo oogto Israel.

Baarlamaanka Koonfur Afrika ayaa maanta oo Khamiis ah la horgeeyey mooshin ah in Wadankaasi gebi ahaan xiriirka u jaro Israel.

Xisbi Xaakimka ANC iyo Sidoo kale xisbiyada mucaaridka EFF ayaa taageersan qorshahan xiriirka loogu jarayo Israel.

Koonfur Afrika ayaa kamid ah dalalka Afrika ee sida adag u cambaareeyey duulaanka Israel ee Gaza. Dalkaasi ayaa sidoo kale dib ulla soo noqday safiirkii ka joogay Tel Aviv.

Todobaadyadii lasoo dhaafay ayey magaalooyinka dalka Koonfur Afrika ka dhacayeen banaabaxyo lagu taageerayo Falastiin.

Israel ayaa horey xiriir dhaw ulla lahaan jirtay dowladii hore ee Gumeysiga Cunsiriga ee Koonfur Afrika.

Horseed Media