Kuuriyada Koonfureed oo kaalmo militari u balanqaaday Ukraine

Published: July 15, 2023

Madaxweynaha S. Kuuriya ayaa wacad ku maray in uu sare u qaadi doono kaalmada milatari ee Ukraine xili uu booqasho ku tagay Kyiv.

Madaxweynaha Kuuriyada Koonfureed, Yoon Suk Yeol, ayaa Sabtidii ballan qaaday inuu “ballaadhin doono” gargaarka bini’aadantinimo iyo kuwa aan halista ahayn ee waddankiisa uu siiyo Ukraine ka dib shir uu la yeeshay madaxweyne Volodymyr Zelensky.

Yoon ayaa sabtidii booqasho lama filaan ah ku tagay Ukraine si uu wadahadalo ula yeesho Zelensky, wuxuuna booqasho uu ku tagay Bucha, oo ah magaalo ku taal waqooyiga caasimadda oo ah halkii ay ciidamada Ruushka xasuuqa ka geysteen.

Horseed Media