Ku dhawaad 100 qof oo ku dhintay dagaalka ka socda Magaalada Laascaanood

Published: February 24, 2023

Dagaalka Magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool ee u dhaxeeya Ciidamada Somaliland iyo Dadka deegaanka ayaa sababay dhimashada in ka badan 96 ruux, sida uu sheegay agaasimaha Isbitaalka Laascaanood.

Axmed Maxamed Xasan, oo ah maamulaha Isbitaalka weyn ee magaalada Laascaanood ayaa sidoo kale sheegay in dadka dhaawacmay ay ka badan yihiin 560 ruux oo intooda badan Shacabka Magaalada ah.

Dadka ugu badan ee waxyeellada soo gaartay ayaa loo sababeeyey duqeynta xooggan ee Magaaladaasi u geysnayaan Ciidmada Somaliland.

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in dadka ka barakacay Magaalada Laascaanood xarunta Gobolka Sool ay ku dhow yihiin 190,000 ruux.

Garaad Jaamac Garaad Cali ayaa horey u sheegay in dhimashada iyo dhaawaca ay ka badan tahay tirada la hayo diiwaankooda maadaama ay jiraan shaqsiyaad lagu aasay deegaanno ka baxdan magaalada Laascaanood.

Horseed Media