Kulan ay maanta yeelan lahaayeen Xildhibaanada Golaha Shacabka oo u baaqday sababo Amni

Published: August 20, 2022

Guddoonka Golaha Shacabka ayaa dib u dhigay kulan ay maanta oo sabti ah yeelan lahaayeen Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya.

“Waxaa dib loo dhigay kulankii maanta ee Xildhibaanada Golaha shacabka BJFS ay ku balansanaayeen, Kulanka ayaa la qabandoonaa maalinta berri ah oo ay taariikhdu tahay 21 August” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Xafiiska Guddoomiyaha Golaha shacabka.

Kulanka maanta baaqday ayaa Ajendahiisu ahaa dhaarinta Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo oo noqonaya Xildhibaanada Golaha shacabka.

Sidoo kale kulanka waxaa lagu dhaarin lahaa Adv Dahir – Xubin Guddiga Madaxa banaan ee hirgalinta Dastuurka iyo Doorashada Guddoonka Guddiyadda Golaha Shacabka.

Kulanka ayaa loo baajiyay sababo amni oo la xariirta weerarka AlShabaab ku qaadeen Hoteelka Xayaat ee magaalada Muqdisho kaas oo wali ka socda.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *