Kulanka 22-aad Golaha shacabka ee Baarlamaanka Federaalka

Published: September 2, 2023

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta shir guddoomiyay Kalfadhiga 3-aad kulankiisa 22-aad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Kulanka oo ajandihiisu ahaa akhrinta 3-aad ee Hindise Sharciyeedka Howlgabka iyo Liil-tirka Shaqaalaha Rayidka ee Dowladda, qeybinta warbixinta akhrinta 2-aad ee Hindise Sharciyeedka Qaxootiga iyo Magangaliyo doonka.

Xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa ku biiriyay talooyin ku saabsa liiltirka shaqaalaha rayidka ee dowladda, iyagoona sheegay in muhiim u yahay sharci qeexaya howlgabka dadka shaqaalaha ah.

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe oo kulanka soo xiray ayaa Golaha u sheegay in la isku soo laabto maalinta Isniinta ah si loo sii amba qaado shuruucda hortaala Golaha Shacabka.

Horseed Media