Kulankii Guudlaawe iyo musharaxiinta u tartameysa kuraasta taal Beledweyne

Published: March 6, 2022

Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen oo uu wehliyo Madaxweyne Ku Xigeenka Mudane Yuusuf Axmed Hagar ayaaxalay kulan la qaatay musharaxiinta u taagan tartarnka xildhibaanimo ee Golaha Shacabka.

Madaxweynaha ayaa musharaxiinta u sheegay inay u diyaar garoobaan doorasho daahfuran oo si nabad ah ku dhacda, waxa uuna balanqaaday inaysan dhici doonin in kursi loo xiro cid gaara.

Ugu dambeyn Madaxweynaha ayaa musharaxiinta kula dardaarmay inay hay’addaha amniga kala shaqeeyaan nabadgalyada Magaalada Beledweyne.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *