Kursiga uu ku guuleystay Mahdi Guuleed oo dacwad laga gudbiyay

Published: November 3, 2021

Guddiga Xallinta Khilaafaadka Doorashada Soomaaliya ayaa shaaciyay inuu hakiyay ku dhawaaqista natiijada rasmiga ah kursiga uu tirsigiisu yahay HOP#239 kaasoo uu kusoo baxay Ra’iisul Wasaare kuxigeenka Xilgaarsiinta Mahdi Guuleed.

Guddiga ayaa sheegay in uu qabtay dacwad uu soo gudbiyay Musharax Xuseen Carab Ciise oo ah xildhibaankii hore ee kurisgaas ku fadhiyay, waxaana la faray Guddiga hirgelinta doorashada in la hakiyo ku dhawaaqista natiijada rasmiga ee kursigaas laga bilaabo labada November inta Guddiga Xalinta Khilaafaadka uu go’aan ka gaarayo dacwada laga soo gudbiyay kursigaas.

Mahdi Maxamed Guuleed Ra’iisul Wasaare kuxigeenka Xukuumadda Xilgaarsiinta ayaa doorasho ka dhacday xarunta Tababarka Booliiska ee General Kaahiyr kursiga dacwadda laga keenay isagoona noqday xildhibaankii ugu horeeyay ee Golaha shacabka 11-aad.

Guddiga Doorashada Gobolada Waqooyi oo dhawaan soo saaray habraaca doorashada ayaa sheegay in wixii cabashada kuraasta doorashada la xiriira ay xalinayaan guddoonka sare ee maamulka doorashada Gobolada Waqooyi.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *