Kusimaha Wasiirka Arr/dibbada Balcad oo gaaray Addis Ababa

Published: February 14, 2024

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda arrimaha dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga, ahna kusimaha Wasiirka mudane Cali Maxamed Cumar (Balcad) ayaa gaaray magaalada Addis Ababa ee caasimadda dalka Itoobiya.

Wasiir Balcad ayaa halkaasi kaga qayb geli doona shirka 44-aad ee waddamada Midowga Afrika, kaas oo looga hadli doona xaaladda guud ee Qaaradda iyo sidii loo wajihi lahaa caqabadaha jira.

Macada in wafdiga ka socda Soomaaliya ay wax kulamo ah la yeelan doonaan dhigooda Itoobiya inta ay dalkaasi ku sugan yihiin, xili ay weli taagan tahay xiisada u dhaxeysa Soomaaliya iyo Itoobiya.

Dowlada Soomaaliya ayaa sheegtay inaysan wax wadahadal ah la geli doonin Itoobiya inta aysan raali gelin ka bixin qorsha ama heshiiska (MOU) oo ay la gashay maamulka gooni-u-goosadka ah ee Somaliland, qorshahaasi oo ay Addis Ababa dooneyso inay kula wareegto dhulka saaran xeebaha badda Cas ee dalka Soomaaliya.

Horseed Media