Kuuriyada Waqooyi oo gantaalo horleh tijaabisay, xili ay taagan tahay xiisadii askari Maraykan ah oo dalkaasi isu dhiibay

Published: July 22, 2023

Kuuriyada Waqooyi ayaa dhowr gantaal ku ridday dhinaca galbeedkeeda sabtidii, soda ay sheegeen millatariga Kuuriyada Koonfureed, arrintan ayaa lagu soo beegay xili xiisadi ka taagan tahay markab nooca gujiska ku hubeysan nukliyeer Maraykanka lee yahay uu gaaray Kuuriyada Koonfureed iyo waliba askari Maraykan ah oo isu dhiibay Kuuriyada Waqooyi.

Kuuriyada Waqooyi waxay maalintii shanaad ka aamusan tahay inay ka hadasho xaalada askari Mareykan ah, Dable Travis King ayaa Talaadadii lasoo dhaafay orod uga gudbay xaduuda sida weyn loo ilaaliyo, askarigan ayaa ka tirsanaa ciidamada Maraykanka ee ku sugan koonfurta.

Maraykanka iyo Kuuriyada Koonfureed ayaa balaadhinayey dhoolatuskooda milatari ee wadajirka u qabtaan, waxayna ku heshiiyeen in la kordhiyo hawlgalinta Maraakiibta diyaaradaha xambaara, guniska iyo hubka nuliyeerka si ay u muujiyaan awood ka dhan ah Kuuriyada Waqooyi, oo tijaabisay ilaa 100 gantaal tan iyo bilowgii 2022.

Horseed Media