La-taliyaha W. Arrimaha Dibadda Maraykanka, Xamse Warfaa Oo Lagu Soo Dhoweeyey Golaha Shacabka BFS

Published: August 7, 2023

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay lataliyaha dimuqraadiyadda iyo xuquuqul insaanka wasaaradda arrimaha dibadda Maraykanka Xamse Warfaa.

Lataliye Xamse Warfaa ayaa guddoomiye Sheekh Aadan uga mahad-celiyey  soo dhaweynta loogu sameeyay xarunta golaha shacabka ee Villa Hargeysa, ayaa tilmaamay in Soomaaliya ay ka soo kabaneyso colaadihii sokeeye ee soomaray ayna cagta saartay dhabihii horumarka.

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa la lataliye Warfaa ku ammaanay doorkiisa firfircoonida leh uu ka qaatay inuu ka soo muuqdo dowladda Mareykanka, waxaana uu kula dardaarmay in dalka kaalintooda horumarineed ka qaatan, si ay ula jaanqaadaan dadyowga kala duwan ee dunida ku nool.

Horseed Media