Laba Askari oo dilal ka gaystay Kismaayo oo xukun dil toogasho ah lagu fuliyay

Published: November 19, 2022

Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Jubbaland ayaa maanta xukun dil toogasho ah ku fulisay labo Askari oo horay dilal kala duwan uga gaystay magaalada Kismaayo. 

Askarta Qisaasta lagu fuliyay ayaa kala ahaa Wayrax Khaliif Yuusuf oo 25-kii November 2020-kii dil u gaysatay Marxuumad Xaliimo Cali Roobow, iyo Yuusuf Xuseen Cabdi oo isna dilay Marxuum Dable Xoogga Dalka Cabdullaahi Cali Suuli Taariikhdu markay ahayd 17-Nov-2021. 

Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Jubbaland ayaa xukunka dilka toogashada ah ku dhawaaqday 29-June-2022-ka. 

Guddoomiye ku-xigeenka Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Jubbaland G/dhexe Bashiir Maxamuud Xareed oo warbaahinta kula hadlay goobtii qisaasta ay ka dhacday ayaa faahfaahiyay go’aamada kaso baxay maxkamadda. 

Labo maalin kahor ayeey ahayd markii sidan oo kale xukun Qisaas ah loogu fuliyay labo askari oo horay dilal kala duwan uga gaystay gudaha magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ah ee Jubbaland.

Horseed Media