Laba qof oo ku dhintay shil gaari oo ka dhacay duleedka Magaalada Garowe

Published: April 7, 2023

Shil gaari oo sababay dhimisho iyo dhaawac ayaa aroornimadii hore ee saaka oo Jimce ah ka dhacay jidka laamiga ah gaar ahaanna dooxada Janteella oo u dhexaysa magaalooyinka Garoowe iyo Sinujiif ee gobolka Nugaal.

Shilka ayaa yimid kadib markii uu rogmaday gaari nooca raaxada ee loo yaqaan RAUM.

Laba qof oo wiil iyo gabar kala ah ayaa sida la xaqiijiyay ku geeriyooday shilkan gaari.

Sidoo kale saddex qof oo kalena ayaa ku dhaawacmay iyadoo haatan lagu dabiibayo cisbitaalada Magaalada Garowe.

Horseed Media