Labo Doon oo ku degay xeebta Talyaaniga

Published: August 6, 2023

Ugu yaraan laba qof ayaa ku dhintay tobanaan kalena waa la la’yahay ka dib markii laba doon ay ku degeen jasiiradda Lampedusa ee dalka Talyaaniga.

Ilaalada xeebaha Talyaaniga ayaa sheegay Axadii in ay soo saareen labo meyd ah ayna soo badbaadiyeen 57 qof.

Ku dhawaad 28 qof ayaa lagu soo waramayaa in badda lugu waayey dadkii saarnaa hal doon, halka saddex la sheegay in laga la’yahay doontii labaad ka dib markii labadooduba ay ku dheceen dabeylo Sabtidii shalay, ayay tiri Hay’adda Socdaalka Adduunka ee IOM.

Labaduba waxay ahaayeen doomo la rumaysan yahay inay Khamiistii ka soo ambabaxeen Sfax ee dalka Tunisia.

Mid ka mid ah waxaa saarnaa 48 qof, tan labaadna 42, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee Talyaaniga ee ANSA.

In ka badan 2,000 oo qof ayaa maalmihii la soo dhaafay gaaray Lampedusa ka dib markii ay badda ka soo badbaadiyeen doomo Talyaani ah iyo kooxo NGO ah, iyadoo dabeylo xooggan ay ka dhacayaan jasiiradda.

Horseed Media