Labo qof oo lala xariirinayo weerarkii Brussels oo lagu xiray Faransiiska

Published: October 24, 2023

Labada nin ayaa looga shakisan yahay inay la shaqeenayeen Abdesalem Lassoued, oo ah 45 jir u dhashay Tunisia oo labo qof oo iswiidhish ah ku dilay Brussels 16kii Oktoobar.

Baadhitaannada hay’adaha amaanka Faransiiska “waxay sii wadaan inay caddeeyaan xidhiidhka ay la leeyihiin” weerrarka Brussels, in kasta oo baarayaasha dalka Belgium ay hore u sheegeen in aanay jirin caddaymo muujinaya in ninka weerarka geystay uu qeyb ka ahaa shabakad.

Ninka weerarka geystay waxaa toogasho ku dilay booliisku Brussels 17kii Oktoober.

Daacish ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarka, iyadoo sheegtay in dadka Swedishka ah loo bartilmaameedsaday sababta oo ah dowladooda oo kamid ah isbaheysiga caalamiga ah ee dagaalka kula jira kooxdaas.

Horseed Media