Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Soomaaliyeed ee Koonfur Galbeed Cabdicasis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa guddoomiye cusub u magacaabay…
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Soomaaliyeed ee Koonfur Galbeed Cabdicasis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa guddoomiye cusub u magacaabay gobolka Shabeellaha Hoose.
Wareegto kasoo baxday xafiiska madaxweyne Lafta-gareen ayaa waxaa xilka guddoomiyaha gobolka Shabeellaha Hoose C/qaadir Maxamed Nuur Siidii, isagoo bedelaya guddoomiyihii hore Ibraahim Aadan Cali Najax.
Laamaha amniga Shabeellaha Hoose ee Koonfur Galbeed ayaa la faray inay la shaqeeyaan guddoomiye C/qaadir Maxamed Nuur Siidi, si uu u guto waajibaadkiisa shaqo.
C/qaadir Siidii ayaa horey u soo noqday guddoomiyaha gobolka Shabeellaha Hoose, waxaana haatan mar kale xilkaas u magacaabay Madaxweyne Cabdicaiis Xasan Maxamed Lafta-gareen.
Hoos ka akhriso:
Horseed Media