Liibiya ayaa ka codsatay Lubnaan inay sii deyso wiilkii Qadaafi oo cuntada ka soomay

Published: August 15, 2023

Maamulka garsoorka Liibiya ayaa si rasmi ah uga codsaday Lubnaan inay sii deyso mid ka mid ah wiilasha uu dhalay hogaamiyihii hore ee Liibiya Mucamar Al-Qadaafi oo xaaladiisa caafimaad ay sii xumaaneyso.

Hannibal Qadaafi ayaa tan iyo sanadkii 2015-kii waxa uu ku xirnaa dambi la’aan gudaha dalka Lubnaan, waxaana xaaladiisa caafimaad ay aad u sii xumaaneysay tan iyo markii uu cuntada ka soomay 3-dii bishii June, isagoo ka mudaaharaadayay xarigiisa iyadoo aan maxkamad la soo taagin. Waxa la geeyey cusbitaal ugu yaraan laba jeer ilaa wakhtigaas oo waxa uu cabbay biyo yar oo kaliya.

Sida laga soo xigtay laba sarkaal oo ka tirsan garsoorka Lubnaan Isniintii, dacwad oogaha guud ee Liibiya Al-Sediq al-Sour ayaa codsiga bishan u diray dhiggiisa Lubnaan, Ghassan Oueidat. Saraakiishan oo la hadlay wakaalada wararka ee AP ayaa diiday in magacooda la shaaciyo maadaama aan loo ogolayn inay la hadlaan warbaahinta.

Xarigga Wiilka Qadaafi ayaa la rumeysan yahay inay la xariirto hoggaamiyihii caanka ahaa ee Shiicada Lubnaan, Moussa al-Sadr, oo lagu waayay dalka Liibiya sanadkii 1978-kii.

Dowlada Lubnaan ayaa la waydiistay in Ina Qadaafi loo dhiibo Liibiya ama loo ogolaado inuu dib ugu laabto Suuriya oo uu kula noolaa xaaskiisa Aline Skaf oo u dhalatay Lubnaan iyo caruurtiisa.

Horseed Media