Liibiya: khasaaraha daadadkii magaalada Derna oo sii kordhay

Published: September 15, 2023

Kooxaha gurmadka ayaa manta oo Jimce ah sii-wada raadinta kumanaanka qof ee weli lagu la’yahay daadadkii baaxada weyn ee ku dhuftay magaalada dekedda leh ee Derna-Liibiya, halkaas oo ay ku dhinteen ugu yaraan 4,000 oo qof.

Biyo aad u badan ayaa burburiyey laba biyo-xireen Axaddii, waxayna Derna ka dhigeen dhul cidla ah oo dhammaan xaafadaha magaaladaasi uu burburka soo wada gaaray iyo tiro aan la sheegin oo kumanaan dad ah oo la rumeysan yahay in biyaha ay maydkooda ku dareen badda Mediterranean-ka.

Daadadkan waxa sababay duufaanta Daniel oo xoog badaneyd, oo ay u sii dheer tahay kaabayaasha sida biyo-xireenada Liibiya oo tayadoodu aad u liidato oo aan wax dayactir ah lagu sameyn tan iyo kacdoonkii lagu riday laguna dilay hogaamiyihii Moamer Gaddafi sanadkii 2011.

Liibiya waxay hadda u kala qaybsantay laba maamul oo iska soo horjeeda; dawladda caalamku aqoonsan yahay ee Tripoli, iyo maamul fadhigoodu yahay bariga dalka Liibiya oo ay kamid tahay magaalada Derna ee masiibada ku habsatay.

Horseed Media