Liiska Xukuumadda cusub ee Dowladda Puntland 2024 iyo Xogta wasiir kasta.

Published: February 29, 2024
Puntland coat

Madaxweynaha Dowladda Puntland ayaa ku dhawaaqey 21 Wasiir oo ka mid noqon doona golaha Xukuumadda Puntland ee cusub. Golahan ayaa ka kooban siyaasiyiin badan oo horey uga soo shaqeeyey Puntland iyo Dowladda Federaalka.

Golaha cusub waxaa ka mid ah wasiiro dib u soo noqdey oo ka mid ahaa Xukuumaddii hore, sidoo kale waxaa ka mid ah ilaa saddex gabdhood oo mid ka mid ah loo dhiibey Wasaarad laa soo jarey mid kale.

Madaxweyne Deni ayaan weli ku dhawaaqin Wasiir ku-xigeenada iyo Wasiiru dowlayaasha, kuwaas oo la filaayo in ay ka badnaan doonaa 30 wasiir, haddaba hoos ka akhri liiska iyo midkasta xogtiisa oo kooban.

  1. Maxamed Cabdiwahaab Axmed Wasiirka Wasaaradda Cadaalada iyo Arrimaha Diinta.
    Wasiir Cabdiwahaab waxa uu ka mid ahaa xukuumaddii hore ee Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni waxaana uu tiir u ahaa siyaasiyiintii kala soo shaqeeyey arrimaha dimoqraadiyadda, waxaana loo daayey isla Wasaaradiisi, waxaana uu ka soo jeedaa gobolka Mudug.
  2. Ibraahima Cartan Xaaji Bakiin Wasiirka Wasaaradda Amniga. Mr. Xaaji Bakiin dhamaadkii xukuumaddii hore oo ay ka harsan tahay muddo saddex bilood ah ayaa la magacaabey mar kale ayuu dib u soo noqdey, waxaana uu kamid ahaa siyaasiyiintii hore ee Puntland xilal kala duwan uga soo qabtey.
  3. Cabdi Faarax Siciid (Juxa) Wasaaradda arrimaha Guddaha iyo Dimuqraadiyaynta. Mr Juxaa Waxaa uu lafdhabar u ahaa xukuumaddii hore ee Madaxweyne Deni, waxaana markale loo daayey isla wasaaraddiisi, Juxa horey waxa uu wasiiro uga soo noqdey Puntland iyo Dowladda Soomaaliyeed, waxaana uu ka soo jeedaa gobolka Nugaal.
  4. Maxamed Faarax Maxamuud Wasiirka Wasaaradda Maaliyada. Wasiirka cusub ee maaliyadda Mr. Faarax waa ku cusub yahay golaha wasiirada, waxa uu horey u ahaa Agaasimaha bangiga Puntland, sidoo kale waxa uu muddo dheer ahaa Agaasimihii Maxjarada Puntland, Waxaana uu ka soo jeedaa goolka Mudug.
  5. Daa’uud Maxamed Cumar Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta iyo Xiriirka caalamiga ah. Mr. Daa’uud xiligii Dowladdii Madaxweyne Faroole ayuu isla wasaaraddan wasiir ka noqdey, sidoo kale waxa uu soo noqdey Xildhibaan federaalka ah iyo Wasiirkii Batroolka ee Soomaaliya dowladdii hore ee madaxweyne Xasan Sheekh 2012-2016. Daa’uud Waxa uu ka soo jeedaa gobolka Sool.
  6. Fu’aad Abshir Adeer Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare. Mr. Fu’aad waxa uu ka tirsanaa baarlamaankii 10aad ee Puntland, kadib waxa uu ka mid noqdey guddiga Doorashooyinka ee Puntland, isaga oo noqdey Guddoomiyaha Guddigaas aan hana qaadin, waxaana uu ka soo jeedaa gobolka Mudug.
  7. Siciid Jaamac Cali Qoorsheel Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka. Mr. Qorsheel waxa uu horey u soo noqdey Wasiir Puntland dowladdii Gen Cadde Muuse, sidoo kale waxa uu Wasiir ka soo noqdey Dowladdii kumeel-gaarka ahayd ee federaalka Soomaaliya, waxa uu ka soo jeedaa gobolka Sanaag.
  8. Faarax Cawad Jaamac Wasaaradda Howlaha Guud iyo Gaadiidka. Mr Cawad waxa uu Xildhibaan ka soo noqdey Dowladda federaalka ah, waxa uu ka mid ahaa xubnihii u tartamey madaxweyne ku-xigeenka Puntland 2024, waxaana uu ka soo jeedaa gobolka Sool.
  9. Shaakir Maxamed Guuleed Wasiirka Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda. Mr. Shaakir waxa uu ku cusub yahay saaxada siyaasadda, waxaana uu ka soo jeedaa gobolka Sool/Cayn.
  10. Cabdullahi Bile Nuur Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawada iyo Garoomada Puntland. Mr. Bille waa siyaasi ruug-cadaa ah muddo aad u dheer ayuu Dowladda Federaalka ah ka soo noqdey Xildhibaan 2000-2021, sidoo kale waxa uu ahaan jirey Wasiir Dowladda Soomaaliyeed, waxa uu ka soo jeedaa gobolka Bari.
  11. Maryan Axmed Cali Wasiirka Haweenka iyo Arrimaha Qoyska. Marwo Maryan waxay horey uga soo noqotey Wasiir Puntland Dowladdii madaxweyne Cabdiweli Gaas, waxaana ay ka soo jeedaa gobolka Sool.
  12. Maxamud Caydiid Dirir Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Isgaarsiinta. Mr. Caydiid waxaa dib loogu magacaabey isla wasaaraddii uu horey u hayey, waxaana uu ka soo jeedaa gobolka Sool.
  13. Axmed Shire Siciid Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha. Wasiir Axmed Shire waxaa uu ka mid yahay Wasiirada dib loo magacaabey, inkasta oo wasaaraddiisi hore laga beddalay, waxaana uu ka soo jeedaa gobolka Bari.
  14. Cumar Cabdisamad Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha. Mr. Cumar waxa uu kamid ah yahay wasiirada ku cusub liiska xukuumadda Madaxweyne Deni, waxaana uu ka soo jeedaa gobolka Mudug.
  15. Maxamed Cabdiraxmaan Faroole Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada. Mr Faroole waxa uu kamid yahay xubnaha ku cusub liiska xukuumadda Puntland, waxaana uu ka soo jeedaa gobolka Nugaal.
  16. Cabdirisaaq Cabdullahi Xagaa Wasiirka Wasaaradda Kaluumaysiga iyo Kheyraadka Badda. Mr. Xagaa waxa uu kamid yahay xubnaha ku cusub Liiska xukuumadda Madaxweyne Deni soo dhisey, waxa uu muddo u shaqeyn jirey hay’adda UNICEF, waxaana uu ka soo jeedaa gobolka Bari/Raascaseyr.
  17. Cabdiraxmaan Axmed Cabdulle Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo arrimaha bulshada. Mr Habarwaa, waxa uu wasiir ka soo noqdey golihii xukuumadda ee Puntland 2014-2019, waxaa loo magacaabey isla wasaaraddii uu hayn jirey oo wax laga beddalay, Mudane Habarwaa waxa uu ka soo jeedaa gobolka Bari/Karkaar.
  18. Liibaan Muuse Boqor Wasiirka Wasaaradda Macdanta iyo Biyaha. Mr Liibaan Muuse Boqor waa ku cusub yahay golaha xukuumadda Puntland, waxa u khibard u lee yahay arrimaha ganacsiga iyo bangiyada oo uu muddo ka soo shaqeeyey, sidoo kale xukuumaddii Gen Cadde waxa uu kamid ahaa saraakiishii ugu saraysey shirkaddii African Oil ee baartey shidaalka Puntland, Boqorku waxa uu ka soo jeedaa gobolka Bari/Karkaar.
  19. Ubax Cabdirishiid Maxamed Xirsi Wasiirka Wasaaradda Gargaarka iyo Arrimaha Bini’aadanimada. Marwo Ubax waxaa dhalay Guddoomiyihii hore ee baarlamaanka Puntland 2009-2013, waa ku cusub tahay golaha xukuumadda Puntland, waxaana ay ka soo jeedaa gobolka Bari.
  20. Maxamed Cabdiqaadir Saalax Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka. Mr Saalax waa ku cusub yahay golaha xukuumadda waxaana uu ka soo jeedaa gobolka Sanaag/Haylaan.
  21. Hodon Siciid Xasan Wasiirka Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha. Mrs Hodan waxay xukuumaddii hore ka ahayd Wasiir ku xigeen, waxaana hadda loo dhiibey xuf laga soo jarey isa wasaaraddii ay horey u joogtey, waxaana ay ka soo jeedaa gobolka Sanaag/Haylaan.