Liyuu Booliis & Al-shabaab oo mar kale ku dagaalamay degaan katirsan G. Bakool

Published: July 29, 2022
Alshabaab oo weeray Dowlad degaanka

Dagaal culus ayaa saaka aroornimadii ka dhacay deegaanka Aato ee gobolka Bakool, kaasoo u dhaxeeyay ciidamada Liyuu Booliiska ee dowladda deegaanka Soomaalida iyo Al-shabaab.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii dagaalyahano ka tirsan Al-shabaab ay weerar hoobiyaal ku bilaawday ku qaadeen deegaanka.

Weerarka kadib waxaa bilaawday dagaal fool ka fool ah oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.

Dadka deegaanka ayaa sheegay inuu dagaalka saaka uu saameeyay dhamaan dhaqdhaqaaqyadii gaadiidka dadweynaha, ganacsiga iyo isku socodka dadka, islamarkaana wali xaalad kacsanaan ah laga dareemayo gudaha deegaankaasi.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *