Liz Truss ayaa noqoneysa raysalwasaaraha cusub ee Britain

Published: September 5, 2022

Xoghyahii Arrimaha dibadda ee Britain Liz Truss ayaa loo doortay hogaamiyaha cusub ee xisbiga Conservative Party waxayna noqon doontaa ra’iisul wasaaraha cusub ee Britain, sida ay maanta oo Isniin ah ku dhawaaqeen mas’uuliyiinta xisbiga.

Doorashadan ma ahayn mid ay kawada qayb-galayeen dhamaan dadka Britishka ah, waxaana ka qayb qaatey o keliya 200 oo kun oo xubnaha xisbiga muxaafidka ah.

Truss ayaa ku soo baxay kaalinta koowaad ee codbixinta xubnaha xisbiga Conservative-ka, waxaan ay heshay 81,326 cod halka ninka la tartamaayey ee Rishi Sunak uu helay 60,399.

“Waxaan u baahanahay inaan muujino dedaal dheeraad ah labada sano ee soo socota, waxaan keenayaa qorshe geesinimo leh oo lagu dhimayo canshuuraha si aan u kobcino dhaqaalaheena,” Truss ayaa yiri ka dib markii natiijada lagu dhawaaqay.

“Waxaan saareynaa dhibaatada tamarta, wax ka qabashada biilasha tamarta dadka, laakiin sidoo kale wax ka qabashada arrimaha mustaqbalka fog ee aan ka leenahay sahayda tamarta ayaan diyaarineynaa”

Raysalwasaarihii hore Boris Johnson ayaa xilka iska casiley bishii Luuliyo 2022 kadib markii xisbigiisu kala jabey, fadeexado badana ay hareeyeen mamulkiisa.

Liz Truss iyo Johnson waxay u safri doonaan Scotland maalinta beri ah ee Talaadada si ay ula kulmaan Boqorada Elizabeth II si ay xilka ugu kala wareejiso.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *